Ma Dhabaa In Maareeyaha Hey’adda Duulista Lagu Eedeeyay Is-xambaar

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Qoraal uu soo saaray Xafiiska Xeer ilaalinta ee Qaranka, taasoo loogu yeeray Maareeyaha guud ee Hy’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (HDRS), Qoraalka ayaa ku taariikheysan 17-Sep-2022..

Waxaana lagu amray Maareeyaha inuu Maanta horyimaad Xafiiska Xeer Ilaalinta Saacadu markey tahay 10,00 AM, Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Maareeyaha laga soo gudbiyey gal dacwadeed nambarkiisu yahay GL.2682, taasoo lasoo gudbiyey 04/06/2022, mana jirto faahfaahin ay xeer ilaalinta ka bixisay nooca dacwadda loo heysto.

Dacwadaan ayaa la sheegay in loo heysto Tahriibka & Socdaalka sharci darrada ah, Xafiiska isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan qod. 8-aad xeer nidaamka garsoorka (Xeer Lr. 3) ee soo baxay 12 June, 1962 iyo Qod. 12aad xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed (Xeer Lr. 1) ee soo baxay 1 June 1968.

208710cookie-checkMa Dhabaa In Maareeyaha Hey’adda Duulista Lagu Eedeeyay Is-xambaar
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com