Danjirihii Somalia Ee Qatar oo looga Baaqay Inuu Caasimada Mogadishu soo galo

Somalia news

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ayaa lagu xusay in wadatashi ugu yeeray Danjiraha Somalia ee dalka Qatar Danjire C/risaaq Faarax Cali Taano, iyadoo sidoo kale Warqad u dirtay Dowladda Qatar laguna wargeliyay in Safiirka loogu yeeray dalka inuu wadatashi u yimaado…

Qoraalkaan ayaa Sidoo kale Wasaaradda si KMG ah Sii hayaya Safaaradda Somalia ee Qatar ugu magacawday Ruun Saciid Qoorsheel, Waxaana is bedelkan Safaaradda Somalia ee Qatar ku soo aaday, iyadoo maanta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho rasmi ku tagayo dalka Qatar.

Danjire C/risaaq Taano ayaa ka mid ahaa Safiirada ugu awoodda badnaa ee Maamulkii hore, isla markaana isku xire u ahaa xiriirka Maamulkii hore iyo Dowladda Qatar, waxaana ka sokow inuu udub dhexaad u ahaa xiriirkaas xooggan ee labada dal waxaa uu ahaa Seeddiga Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

245000cookie-checkDanjirihii Somalia Ee Qatar oo looga Baaqay Inuu Caasimada Mogadishu soo galo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com