Siyaasadaha & Saameynta Turkiga Ee Dalalka Dagaalada Ka Holcaaya

Somalia news

Maamulka Ankara ayaa la sheegay iney macaash iyo Saameyn aan laga fiirsan ku xodxodata Dalalka ay la degeen Dagaalada sokeeye, iyagoo horey u fara geliyay Dalalka Iraq, Syria, Somalia, Libya, Azerbaijan, Ethiopia iyo Afghanistan, waxeyna Maamulada jilicsan la heshiisyo dhaqaale iyo maalgelin indhasarcaad ah…

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa August 18, 2021 booqasho ku tegay magaalada Ankara xilli dalkiisa ay colaad sokeeye la Daals-dhacayaan (Gobolada Amhara, Cafarta iyo Tigray), Xiisadaha xadka ka aloosan xadka Sudan iyo murunkii biyoxireenka Nile-ka ee kala dhaxeeyo Egypt oo isku rogay xulufo uruursi.

Khubarada ku xeel dheer Arrimahaan ayaa tilmaamay in Heshiis Iskaashi Militeri oo ay Ethiopia la gaartay Turkiga aan laga yaabin inuu wax ka beddeli doonin cudud isku haleynta xulufada cusub, Waxaase hadal hayn abuuray isku beegmidda booqashada Abiy Axmed iyo kulankii naadirka ahaa ee Madaxweyne Erdogan uu la yeeshay La-Taliyaha Amniga ee Iskutagga Imaaraadka Carbeed Sheikh Tahnoun bin Zayed al Nahyan.

Kol haddii jajuubikii iyo Afduubkii USA Ee Afghanistan uu noqoday “hal bacad lagu lisay,” Turkiga wuxuu halhaleel ku beddeshay siyaasaddeedii ku dhisnayd muqalisnimada iyo iib-geynta Hubka iyo Drones-ka ay soo saaraan warshadahooda, si aysan u gefin kaalinteedii Badda Cas iyo Geeska Afrika ee isbeddelka nidaamka caalamka “geopolitical order” ku heshay.

Mr.Erdogan ayaa xiligaan xooga saaray Dalalka Ethiopia iyo Suudaan sidii uu gacan uga geysan lahaa xallinta muranka xadka. Ankara ma hursana inay Imaaraadka u weheshato geedi-socodka dhexdhexaadinta labada dal, talaabadaan oo aan la ogeyn waxa Ay ku soo kordhin doonto xiriirka labada Dal oo xiligaan aad u hooseeya.

Ilo wargaleen ah ayaa sheegay in Dooxa iyo Ankara oo daacad u ahaa Farmaajo ay isaga fogaadeen wixii ka dambeyey khilaafkii dhexmaray Farmaajo iyo Khayre ee u dhurtay afgambi Dastuur (Abril 12, 2021) iyo muddo kordhintii ka dambeysay, Saadaasha hordhac u ah cidda ku soo bixi doonta tartanka Xilka Madaxtooyada ayaa tilmaameysa daljire aragti dheeri, oo karti iyo hufnaan kula dabaakhi kara dunida ku loolameysa danaha kala duwan.


137770cookie-checkSiyaasadaha & Saameynta Turkiga Ee Dalalka Dagaalada Ka Holcaaya