Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Musharax Xasan Cali Kheyre uu todobaad Ee ugu dambeysay la sheegay inuu naado geliyay dhul uu sanado hore ka iibsaday Dalka Kenya, dhulkaan oo lagu qiyaasay ilaa dhowr hectares kuna yaala degaanka loo dalxiis tago Masai Maara, kaasoo la qorsheynaayay in laga dhiso Hoteel Casri ah….
Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news in dhulkaan ay shirko ku yihiin Mr.Kheyre iyo Nin Kenyan ah, ayaa lagu qiimeeyay dhowr Million US$ ah, ilaa hadda lama yaqaano sababta iibka loo geliyay, iyadoo dhulkaan beec geyntiisu ay gacanta ku Hayaan Qareen iyo Dilaaliin Somali iyo Kenyan ah, waxaana la sheegay in qiimo dhac uu ku yimid Dhulkaan.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in iibinta Dhulkaan ay salka ku heyso xiisadaha Ka Dhashay Dacwada Muranka Badda Ee xeer-beegsaday Maxkamada ICJ go’aankeeda gaareysow dhowrka bilood Ee soo socda, Iyadoo laga cabsi qabo in Dowladda Kenya ay la wareegto dhamaan Hantida Siyaasiyiinta Soomaalida hadii laga guuleysto Kiiska Badda.
Kheyre kaliyah kuma koobna Hantida ay Siyaasiyiinta Soomaalida ku Dalka Kenya, Waxaa kale oo ku Leh Farmaajo, Fahad Yasin, Sheekh Shariif Xasan Shiikh iyo xubno kale, hantidaan ayaa la tuhmayaa iney aheyd dhaqaale lagu dhacay magaca Shacbiga Soomaaliyeed.