Diyaarad Ku Degi weysay Garoonka Diyaaradaha Garoowe

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarad ka timid Muqdisho oo xalay maqribkii ku degi-wayday garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, kadib markii uu xaqiiqsaday Duuliyaha in Garoonka uusan laheyn Dab-dhaliye (Matoorka)…

Wararka ayaa sheegay in Diyaaradda ayaa la sheegay in ay u dagi-waysay garoonka oo layr la’aan ah darteed, waxayna markii dambe dib ugu laabatay magaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa siday wafdi ka qaybgeli lahaa aaska qaran ee berri oo isniin ah loo samaynayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo maalmo ka hor ku geeriyooday Garoowe, Garoonka Diyaaradaha Garoowe oo shaqaynayay tan iyo 2018 ayaa weli lagu guuleysan inuu shaqeeyo xilliga habeenka.

226560cookie-checkDiyaarad Ku Degi weysay Garoonka Diyaaradaha Garoowe
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com