Wararka naga soo gaaraya Magaalada Msida Ee Dalka Malta ayaa sheegayaa in Xoogaga Amaanka dalkaasi ay xireen shaqsi Soomaali ah oo lagu Eedeeyay Inuu toorey ku weeraray Shaqsi kale oo ka soo jeeda Dalka Ethiopia, kadib markii uu gacan ka hadal dhex maray labada nin….
Wararka ayaa sheegaya in dhacdadaan ay la sheegay iney ka dhacday Magaalada Msida habeenimadii Talaadadii tagtay, waxaana Boliiska u yeeray Shaqsiga Ethiopian ah, isagoo intaasi raaciyay in Soomaaliga uu ku soo weeraray Toorey kadib markii ay ku murmeen xaaladaha siyaasadeeed Ee Geeska Afrika, iyagoo xiligaasi ku sugnaa maqaayad khamriga laga cabo.
Wuxuuna Xoogaga Amaanka ay u sheegeen Warbaahinta maxaliga in Dhaawacyo loo geystay Shaqsiga Ethiopian ah, sidaasna lagu xiray Muwaadinka Soomaaliga ah, iyagoo ku Eedeeyay Inuu amaanka khalkhal geliyay, waxaana la hor geeyay Maxkamada degaanka.