Mareykanka Oo Culeys Ku Saaray Qatar Iney Qeyb Ka Noqoto Xaal-raadinta Somalia

Somalia news

Xogo laga helay Saraakiisha Sirdoonada ee ku sugan Xarunta Xalane ayaa sheegaya in Dowladda Mareykanka ay culeys siyaasadeed ku saartay Imaarada Qatar iney qeyb ka noqoto xal u raadinta xiisadaha ka dhashay Khilaafka Doorashada iyo dagaalada Dhimashada geystay ee ka dhacay Magaalada Mogadishu…

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in maanta lagu wado inuu Magaalada Muqdisho soo gaaro Ergay gaar ah oo dowadda Qatar ay u xil-saartay xallinta arrimaha murugsan ee ka dhashay mudda kororsiga diidmada xoggan laga hor-keenay ee madaxyooyada ay u sameeyeen tiro yar oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Dr. Mutlaq Alqaxdaani ayaa marka uu soo gaaro Muqdisho waxuu kulamo la yeelanayaa Wakiilada Beesha Caalamka, Midawga Musharrixiinta, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Farmaajo, 3-Madaxweyne Dowlad Goboleedyada K/Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, wuxuuna Khadka taleefoonka kula xiriiri doonaa Madaxweynayaasha Puntiland iyo Jubaland.

Aqoonhanno iyo Waxgarad badan ayaa su’aalo iska weydiinaya sababta Qatar oo Farmaajo u heysay taageero xooggan ay uga shaqeyn karto xallin khilaaf uu Aabe iyo Hooyo u yahay Madaxweynihii 4-tii sano ay u meel gelinayeen ka shaqeynta danahooda, ha yeeshee xogo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in cadaadisyo is-biirsaday iyo Qatar oo ogaatay in sidii ay dooneysay aysan wax u socon ay arrinta dhinac kale u rogtay, Mareykanku ayaa la aaminsanyahay inuu ku cadaadiyay Qatar inay soo af-jarto dhibaatada Somalia ka jirta maadaama ay iyadu dhaqaale ku bixisay Doorashada Farmaajo.

Warar kale ayaa sheegaya in dalalka Saudi Arabia, Bahrein iyo UAE ay shuruud uga dhigeen iney marka hore xal ka keento xaaladda Somalia si heshiis dhammeystiran looga gaaro arrinta la xariirta go’doonintii ay dalalkaani Qatar ku sameeyeen.

Wararka qaarkood Ayaa tilmaamaya in Qatar ay waligeydba aaminsaneyd in Adeegayaasheeda Fahad iyo Farmaajo ay af-duubeen qorshihii Qatar ee Somalia oo ahaa inay sumcad iyo magac ka sameyso taageerada ay bixiso ha yeeshee taa bedelkeeda magac xumo ay ka dhaxashay.

115880cookie-checkMareykanka Oo Culeys Ku Saaray Qatar Iney Qeyb Ka Noqoto Xaal-raadinta Somalia