Rooble Oo Ku Sii Jeeda Djibouti & Ujeedada Safarka

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowladda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay u safraan dalka Jabuuti, safarkaan ayaa la sheegay inuu daaran yahay 2-Ujeedo oo kala gedisan…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Safarka Rooble la sheegay sidii loo hagaagin lahaa xiriirka labada Dal, kadib markii uu Farmaajo ku Fashilmay iney Wada kulmaan Madaxweynaha Dalka Djibouti Mr.Ismaaciil Cumar Geelle iyo inuu ka qeyb galo xeritaanka dood uu qabanayo Machadka Cilmi baarista ee Heritage  taas oo ah madashii shanaad ee Aragti-Wadaagga (Forum For Ideas).

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha soo xirayo ayaa waxaa snadkaan looga hadlayaa xasillooni darada ka jirta Geeska Afrika, waxaana muddo saddex maalin ah uu socdo  Shirweynahan ayaa waxaa jiri doona madal dood ah oo looga hadlayo xaaladaha kala duwan ee Geeska Afrika, marxalada kala guurka iyo doorashada Somalia.

Shirweynahaan uu dalka Jabuuti ku qabanayo Machadka Cilmi baarista ee Heritage ayaa kusoo aadaya xilli Somalia ay ku jirto kala-guur ah, isla markaana ayna Ka Taagan yihiin muran ku aadan Hanaanka doorashooyinka ka bilaawday dalka.

155570cookie-checkRooble Oo Ku Sii Jeeda Djibouti & Ujeedada Safarka