Barlamaanka Federaalka Oo Cagaha la galay Marxaladii Mooshinada Dalkana dib ugu Celin kara..

Somalia news

Waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka u biloowday Xiligii Mooshinada ee Buuqa iyo macaashka Badan, iyadoo Xafiisyada Gudoonka ay yaaliin Mooshinno kala duwan kuwaasoo qaarkood la qarinaayo halka qaar kale la og-yahay, inkastoo si hoose ay u socdaan dadaalo lagu qaboojinaayo…

Mooshinka ugu xasaasisan ayaa ah ka Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Federaalka Xildhibaanad Sacdiya Salaad, iyadoo ay isku baheysteen kooxo siyaasadeed oo dano kala duwan wata oo ay gadaal ka riixaayaan sameyayna balanqaadyo Siysaasadeed, inktasoo ay Xildhibaanada taageersan Kooxda Sacdiya ay taageero aan buurneyn ka helayaan Madaxtooyada iyo Dalal shisheeye.

Ilo wareedyo ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Xildhibaanada (Sacdiya), oo markii horeba ul booc ah loogu tukubaayay, oo kooxaha hormuud u yahay Daniga Puntland ay so hoose u wadeen Diyaarinta Mooshin ka dhan ah Xildhibaanada kuna eedeeyeen Ixtiraam la’aan iyo ku tagri fal awoodeed, ayeey ku darsatay iney jeediso hadalo xanaf leh oo Diinta Islaamka ka horimaanaya hanajaabada hawada marisay hadii aan la ansixin Sharciga Jinsiga.

Haddii lagu guuleysto inuu meel maro Mooshinkaan, waxaa la saadalinayaa inuu bilow xun u noqon doono Maamulka Xasan Sheekh oo mooshino is daba joog ah laga keeni doono Mas’uuliyiin kale oo ugu horeeyo Wasiirka 1-aad, iyadoo Garabyada iyo Kutlooyinka Xildhibaanada ay danahooda kala duwan yihiin una baahan yihiin dhaqaale badan oo lagu maareeyo hirgelinta Mooshinada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa qudhiisa ku dul-socda xarig yar dushiis, wuxuuna isku dayaayaa inuu isu dheeli tiro xasaradaha Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad oo faraha ka badatay iyo kooxaha ka soo horjeeda siyaasada jilicsan ee Xasan Sheekh oo xiligaan u istaagay inuu difaaco Xildhibaanada Xisbigiisa isla markaasna aan heysan Tiro Xildhibaano ah oo ku filan in la difaaco iyo dhaqaale yari Madaxtooyada ka jirta.

Sidoo kale waxaa xaalada sii xumeeyay Xaalada ka taagan Konfur galbeed oo loo dhiila dhaansaday iney degaanada ka dhacaan dagaal sokeeye hadii kale si qasab ah muddada loo kordhiyo hal sano Maamulka Lafta gareen, iyadoo Maleeshiyaad ay isku abaabulayaan Gobolka Bakool uuna hormuud u yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Walaalkiis oo loo magacaabay Taliyaha NISA.

230790cookie-checkBarlamaanka Federaalka Oo Cagaha la galay Marxaladii Mooshinada Dalkana dib ugu Celin kara..