Qoraal ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Somalia ayaa lagu xaqiijiyay in muran la’aan in Gobolka Taiwan uu qeyb ka yahay Jamhuuriyada Shacbiga China, qoraal-Saxaafadeedkaan ayeey soo saartay shalay iyadoo ka jawaabeysa doorashooyin ka dhacay Degaankaasi..
Su’aalaha warbaahinta ee la xiriiray doorashada Degaanka Taiwan, ayeey Jamhuuriyadda Federaalka Somalia waxay dib u xaqiijineysaa go’aankeeda hagar la’aanta ah ee ku aadan siyaasada Shiinaha oo keliya, waxayna xoojineysaa mowqifkeeda joogtada ah, cad, iyo mabda’a ku dhisan ee arrinta.

Mowqifka ay qaadatay Dowlada Federaalka ayaa imaaneysa xili todobaadkii hore Dowlada China ay si weyn u taageertay Midnimada, Madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyada Federaalka ee Somalia, Maamulka Gooni goosadka Somaliland ayaa xiriir aan Dal Aduunkaan ka dhisan ictiraafsaneyn la leh Maamulka Falaagada Taiwan.