Ogaal U Yeelo 3 Caado Oo Burburiya Lafaha & Dhibaatada ka Dhalan karta..

Health

Dhakhaatiirta Caafimaadka iyo Daryeelka ayaa isku raacsan inuu jira sababo la xiriira hab-nololeedka Qofka uu saamayn wayn ku yeesho cudnaanta lafaha iyo adeygooda, iyadoo qormadaan aanu ku dul istaagaynaa saddex caado oo burburin kara lafaha, inta badanna aysan ku baraarugsanayn Dadka…

Cudurka lafaha burburiya ee lagu magacaabo “osteoporosis” waxaa cudur aad dunida ugu badan, wuxuuna kenaa xanuun aad u daran oo qofka ka haleela isgoysyada xubnaha iyo barar ku dhaca xaglaha waxa uu si gaar ah u abaaraa jilbaha, gacmaha iyo lafdhabarta.

Iyadoo Khubarada Caafimaadka ay isku raacsan yihiin in Ragga iyo Dumarka uu ku dhaco Cuddurkaan balse dumarka ayuu ku sii badan yahay, sababo la xiriira fadhiga badan iyo Jimicsi la’aanta.

Jirka oo heli waaya Calsium ku filan:

Calcium waa macdan inta badan lala xiriiriyo lafaha iyo ilkaha caafimaadka qaba, inkastoo ay sidoo kale door muhiim ah ka ciyaarto xinjirowga dhiigga, caawinta murqaha inay isku ururaan, iyo nidaaminta garaaca wadnaha ee caadiga ah iyo shaqada dareemayaasha, Qiyaastii 99% kalsiyumka jirka waxaa lagu keydiyaa lafaha, inta soo hartayna 1% waxaa laga helaa dhiigga, muruqa, iyo unugyo kale.

Dhibta kale waa jirka oo ku yaraadaVitamin D yarida, Vitamin D wuxuu caawiyaa in jirku uu nuugo Calsium-ta, la’aantiis lafahaagu kama faaidaysan karaan Calsium aad qaadato. Fitamiin D yaraantu waxa ay carqaladaysaa nuugista Calsium-ta taasoo keenaysa in lafuhu ay jilcaan.

Fadhiga badan:

Xarakaad la’aanta jireed waxay horseedaa cufnaanta lafaha iyo awoodda murquhu ay hoos u dhacaan, Daraasado badan oo Caafimaad ayaa iftiimiyay inuu jiro xiriir ka dhexeeya fadhiga badan, cufnaanta lafaha oo yaraata iyo halista cudurka lafa-beelka oo siyaada.

Ugu dambeyntii, waxaa jira tallaabooyin fudud oo aad hortegi karto cudurka lafo burburka waxaa ka mid ah inaad hesho qorrax kugu filan ama qaadashada fitamiin D, inaad qaadato cunnooyinka qaniga ku ah kalsiyaamta sida caanaha iyo inaad samayso jimicsi joogto ah.

292630cookie-checkOgaal U Yeelo 3 Caado Oo Burburiya Lafaha & Dhibaatada ka Dhalan karta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com