Farmaajo Oo Cabasho Dhan Ka Ah Ergeyga AU-da U Gudbiyay Midowga Africa

Somalia news

Ilo wareedyo muhiim ah oo ku dhow Saraakiisha Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegay in Maamulka Muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo ay qoraal cabasho ah u qoreen Hogaanka Midowga Afrika, iyadoo ka dalbatay in la bedelo Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo dhowaan loo magacaabay Ergey sare oo Midowga Afrika u qaabilsan Somalia…

Wararka ayaa sheegaya in Dowladu ku tilmaamtay Ergeyga in aanu dhexdhexaad ka noqon karin arrimaha Somalia, kadib markii la bedelay La-taliyihii Ergayga Mr.Taiwo Babatunga iyo inuu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya.

117920cookie-checkFarmaajo Oo Cabasho Dhan Ka Ah Ergeyga AU-da U Gudbiyay Midowga Africa