Madaxweynaha Oo Maanta ku Wajahan Magaalada Dhuusa mareeb..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mogadishu ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug, si uu Dagaalka dhanka ka ah kooxda Shababka hormuud uga noqdo..

Wararka ayaa sheegaya in Amniga guud ee Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray wadooyinka qaar, iyadoo Ciidamada Ururka Boliiska Dableyda ee Madaxtooyada ay ilaala ka hayaan magaalada, waxaana lagu wadaa inuu halkaasi ka bilaabo Dagaalka lagula jiro Kooxda Argagixisada Shababka.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyayaasha qeybaha Ciidamada, iyadoo laga wada hadli doono qorshaha dagaal ee Shabaab oo Degaano yar kaga sugan Galmudug, qorshada Dowlada ayaa ah in laga sifeeyo Makeeshiyaadka Gobolada Mudug iyo Galguduud.

300990cookie-checkMadaxweynaha Oo Maanta ku Wajahan Magaalada Dhuusa mareeb..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com