Wasaaradaha Oo Laga Jartay Dhaqaalihii Howlmaalmeedka

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa, kadib markii uu Wasiirka Maaliyadda sheegay in Dowladu ay wajaheyso dhaqaalo xumi baahsan, waxaa jiray in lacagta qaar laga goostay Wasaaradaha Xukuumada Iyo Xafiisyada Ee socod siinta howl-maalmeedka…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in sababta lagu sheegay in aysan dowladda awoodin dhaqaale ay ku maareyso howl maalmeedka (Running cost $), Sida laga soo xigtay mid ka mid ah Howlwadeenada Sare Ee Dowlada, “Ma jirin wax lacag ah oo ka badan mushaarka Shaqaalaha oo aan helnay labadii bil ee ugu dambeysay, ugu dambeynna waxaa naloo sheegay in aysan dowladda awoodin qarashaadka lagu bixiyo shaqooyinka wasaaradaha,”.

Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Hey’addaha Bankiga Adduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ay joojiyeen dhaqaalihii ay ku kabi jireen miisaaniyada Dowladda Federaalka waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, murankii siyaasadeed ee Doorashada iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay sameysay Maamulka Farmaajo.

122330cookie-checkWasaaradaha Oo Laga Jartay Dhaqaalihii Howlmaalmeedka