Somaliland Oo Hakisay Mashaariicdii Hay’adaha UN-ka

Somalia news

Maamulka Muuse Biixi ee Waqooyiga Somalia ayaa gebi ahaan hakiyeen dhamaan Wada shaqeyntii iyo mashaariicdii Horumarineyd ee ay maalgelineysa Hey’adaha kala duwan ee UN-ka, iyadoo ku sababeeyay iney hortaagan yihiin Halganka gooni isu taaga iyo raadinta Ictiraafka…

Wasiirka warfaafinta Maamulka Hargeysa Saleebaan Cali Koore oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay mashaariicda Qaramada Midoobay u joojiyeen kadib markii ay arken inay wax u dhimayso gooni isku taaga iyo madax-banaanidooda, Waxa uu sheegay in Somaliland iyadoo ka fikireysa qadiyadeeda gooni isku-taaga ay markale hakisay dhamaan wixii mashaariic ahaa ee hay’addaha Qaramada Midoobay ka wadeen deegaanadeeda.

Koore ayaa intaas kusii daray in mashaariicda QM ay meel ka dhac ku yihiin doonista shacabka reer Somaliland, maadama uu sheegay in la siyaasadeeyay. Wasiirka marnaba ma sheegin nooca mashaariicda la joojiyey iyo degaanada laga fulinaayay, Maamulka Hargeysa ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, waxayna si adag uga hortimid in deeqaha la siinayo lasoo marsiiyo Dowladda Federaalka, waana midda u weyn ee keentay khilaafka QM iyo Somaliland.

Ma aha markii u horeysay ee Maamulka Somaliland ay joojiyaan mashaariic ay Hay’addaha Qaramada Midoobay ka fulinayaan deegaanadeeda, iyadoo markii u horeysay ee ay ku dhawaaqdo inay joojiso wada-shaqeynta Qaramada Midoobay ay aheyd sanadkii 2019-kii.

154060cookie-checkSomaliland Oo Hakisay Mashaariicdii Hay’adaha UN-ka