Somaliland Oo Ka Hadashay Imtixaanadka Laga Hor-istaagay

Somalia news

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa war kasoo saartay warkii dhawaan kasoo baxay maamulka Puntland ee ku aadana in imtixaanka laga mamnuuco gobolka Sanaag, Somaliland ayaana ku tilmaamtay mid xagjirnimo ah hadalka kasoo yeeray Puntland ayna tahay waxa laga xumaado…

Warka kasoo baxay Somaliland ayaa siddaan u qornaa:

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland waxay u xilsaaray tahay in bulshada aqoontooda iyo garaadkooda la kobciyo si horumar waara loo gaadho. 25kii sanadood ee u danbeeyey imitxaanaadka shahaadiga ah waxaa si habsami ah looga qaadayey dhamaan ardayda wax ku barata gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxaan baraha bulshada ku aragnay warqada sumadeedu tahay W/W/W/TS/211/2021, kana soo baxday Dowlad goboleedka Puntland ee dalka aanu jaarka nahay ee Somalia, nuxurkeeduna yahay khalkhal galinta goobaha Imtixaanaadka shahaadiga ah ee qaybo ka tirsan dalka JSL.

Wasaarada Waxbarashada JSL waxay u aragtaa qoraalkaas hadal xagjirnimo ah oo aan sharciyad ku dhisneyn, oo habayaratee aan wax saameyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixanaadka shahaadiga ah ee ardayda JSL.

Waxaanu maamulka Gobolka Badhan la socodsiinaynaa inay indho dhow iyo feejignaan u yeeshaan hadalkaa xagjirnimada ah, si aan waalidiinta iyo ardayda loo gelin dareen aan jirin.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Waxbarashada JSL waxay uga digaysaa cidkastoo isku dayda ama ku fikirta khalkhal gelinta habsami u socodka imtixaanaadka qaranka.

123960cookie-checkSomaliland Oo Ka Hadashay Imtixaanadka Laga Hor-istaagay