Miyuu Kheyre Ka Hadli Doonaa Xiisadaha Ku Gedaaman Dhalinyarada Eritrea Loo Qaaday

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa in Saacadihii ugu dambeeyay waxaana Caasimadda Mogadishu ka socday dhaqdhaqaaqyo iyo Kulamo wada tashiyo oo culeysyo lagu saaraayo Ra’iisul wasaarihii Hore Musharax Xasan Cali Kheyre inuu ka hadlo Xaalada Dhalinyaradii loo qaaday Eritrea…

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Mr.Khayre uu ilaa xalay latashiyo la yeeshay Xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta, iyadoo laga wada tashanayo sidii uu u cadayn lahaa Dhalinyarada Eritrea qaabkii ay ku baxeen.

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in labada Qodob ayaa Musharax Khayre laga rabaa inuu kala cadeeyo, kuwaasoo kala ah:-

-In Dhalinyarada tababar loo qaaday Dalka Eritrea

-In cadeeyo Nuxurka Heshiiskii 3-geesood ee Ciidamadaan loogu tala galay dhismahooda iyo ujeedada laga lahaa.

Hadii Khayre aqbalo inuu bixiyo Waraysi uu arinkaas kaga hadlayo siyaasada Somalia wax weyn ayaa iska badali doona Todobaadkaan sida la saadaalinayo, inkastoo Culeyso kaga imaanayaan Farmaajo iyo Fahad inuusan ka hadlin xiisadaan.

123990cookie-checkMiyuu Kheyre Ka Hadli Doonaa Xiisadaha Ku Gedaaman Dhalinyarada Eritrea Loo Qaaday