Manhajyada Kala Duwan Ee Waxbarashada & Dhibaatada Ardayda Ka Dhali Karaan

Somalia news

20-kii Sano Ee la soo dhaafay Waxaa Dalka Somalia laga Hirgeliyay dhowr Manhaj oo waxbarasho kuwaasoo ay soo kala diyaarsadeen Dalladaha Waxbarashada lagana soo minguuriyay dalal shisheeye, Qorshahaan ayaa dhibaato ku ah mustaqbalka jiilka soo koraya….

Hadaba, Horjoogayaasha Kooxda argagixisada Shababka ayaa soo bandhigtay Manhaj Waxbarasho oo heerka dugsiyada dhexe ee la doonaayo in laga hirgeliyo Degaanada ay ka taliso, kadib markii ay howlgeliyeen manhajka Waxbarashada ee Dugsiyada hoose.

Munaasabad lagu qabtay Magaalada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe oo ay soo diyaariyeen Xafiiska Kooxda u qaabilsan Waxbarashada, wuxuuna amray in Manhajkaan laga hirgeliyo dhamaan dugsiyada degaanada ay maamulaan, iyagoo sheegay iney diyaarinayaan Manhajka Dugsiyada Sare.

Xaflada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Horjoogayaal, Culumo taageersan kooxda iyo taageerayaal, iyadoo goobta lagu soo bandhigay buugag:- Tafsiirka Xadiithka, Fiqiga, Towxiidka, Carabiga Qeybtiisa Taariikhda, Saynis, Joqoraafi, Xisaabta iyo Luqada Soomaaliga

124970cookie-checkManhajyada Kala Duwan Ee Waxbarashada & Dhibaatada Ardayda Ka Dhali Karaan