Qarax Ismiidaamin ah oo lagu Burburiyay qeyb ka mid ah Buundada Degmada Buulaburte 

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Buulaburte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw uu qarax xoogan ka dhacay bartamaha Buundada degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan, iyadoo maalmahaan uu dagaalo ka socdeen degaanada ku xeeran Degmada…

Wararka ayaa sheegay in qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa jugtiisa laga maqlay dhamaan Xaafadaha Degmada, waxaana goojoogayaal ay sheegeen inuu ahaa qaraxa gaari noociisu yahay Homey oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, kaasoo lagu burburiyay qeyb ka mid ah Buundada degmada Buulaburte oo aheyd mid muhiim u ah isku socodka gobolada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee dalka.

Sawiro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaayay in Buundada ay ka go’aday dhaxbartankeeda, islamarkaana xiligaan aysan mari karin wax gaadiid ah, waxaana sidoo kale jira khasaaraha dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa oo ka dhacay bartanka Buundada Buulaburte, hayeeshee si rasmi ah wali looma ogaan khasaaraha nafeed ee qaraxa uu geystay.

Qaraxaan ayaa u muuqda inuu ahaa ujeedkiisa mid la doonayay in lagu dumiyo Buundada degmada Buulaburte marka loo eego halka gaariga Ismiidaaminta ah lagu qarxiyay oo aheyd bartanka Buundada dhexdeeda.

219670cookie-checkQarax Ismiidaamin ah oo lagu Burburiyay qeyb ka mid ah Buundada Degmada Buulaburte