Faahfaahino Laga Helay Dagaal ka dhacay DegmadaJanaale ee Gobolka Sh/hoose 

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Xalay halkaasi uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda argagixisada Shabaabka oo weerar ku qaaday qeybo ka mid ah degmadaasi…

Wararka ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay Saldhiga degmada Janaale halkaasi oo ay weerarka toos ugu qaadeen Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka, waxaana lasoo wariyay in dagaalkaasi uu geystay khasaare kala duwan oo kala gaaray labada dhinac, hase yeeshee aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay.

Goobjoogayaal deegaanka ku sugan oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid aad xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo qalqal xoogan ku beeray dadka degmada Janaale oo mar qura ku toosay daryanka rasaasta iyo hubka culus.

200890cookie-checkFaahfaahino Laga Helay Dagaal ka dhacay DegmadaJanaale ee Gobolka Sh/hoose 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com