Somali Lagu Helay Argagixisanimo Oo laga soo Tarxiiley Dalka Mareykanka..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa in Muwaadin Somalia ka soo jeeda oo lagu eedeeyay inuu taageero maaliyadeed u fidiyay kooxaha Argagixisada ayaa laga soo masaafuriyay Dalka Mareykanka, sida laga soo xigtay qoraal ka soo baxay Hey’adda Socdaalka USA..

Qoraalka ayaa lagu xusay in Omer Abdi Mohamed oo da’diisu tahay 38-sano jir ah, ayaa laga soo masaafuriyay Dalka Mareykanka 28-kii bishii April, Dacwad Oogayaasha ayaa Muwaadinkaan (Omer) ku eedeeyay inuu maleegaayay inuu taageero agab ah u fidiyo kooxaha Argagixisada, afduub, Naafeyn, Shirqool dil ah iyo dhaawac grysan rabay Novembar 19-kii sanadkii 2009-kii.

Iyadoo Xeerbeegto ku riday xukun dhan 12-sano ah & 20-sano oo daba gal ah, Maxkamada degmada Minnesota ayaa xukunkaasi ku riday May 29-dii 2013-kii, Agaasimaha Xafiiska ERO Seattle Drew H Bostock ayas sheegay “in Xukunka Maxkamada Socdaalka ee musaafurinta Omer wuxuu muujinayaa in kuwa doonaya iney taageero u fidoyaan argagixisada nooc kasta ha ahaatee aysan heli doonin gabaad ama mudnaan gudaha dalka Mareykanka”.

254330cookie-checkSomali Lagu Helay Argagixisanimo Oo laga soo Tarxiiley Dalka Mareykanka..