Guriga Albaabkiisa hore Lagu Xiray Miino & Sababta Ka Dambeysa..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax-miino oo xalay ka dhacay guri ku yaal Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Benaadir, kaas oo si weyn dhawaaqiisa looga maqlay degaano ka tirsan Caasimada, Waxaana la sheegay inuusan geysan khasaare nafeed…

wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Gurigaan albaabkiisa hore lagu xiray miino, iyadoo Dhismahaan uu iska lahaa Sarkaal katirsan Dowlada Federaalka, waxaa la sheegay in xiliga uu dhacayay qaraxu Sarkaalka ka maqnaa guriga, mana jiro khasaare lasoo wariyay, marka laga reebo burbur soo gaaray albaabka hore ee guriga lala bartilmaadeedsaday qaraxa miino.

inkastoo todobaadyadii ugu dambeeyay ay Kooxda Argagixisada ay bartilmaameed ka dhogteen Dhismayaasha Shirkada Hormuud er Degmada Dayniile iyo Degaanka Ceelasha Biayaha ee duleedka Muqdisho, hadana Falkaan ayaa u muuqda mid lagu cabsi gelinaayo Hey’adaha Amaanka oo bilihii ugu dambeeyay sare u qaabay Xasilinta Caasimada, inkastoo aysan ka hadlin dhacdadaan Laamaha Amaanka.

287660cookie-checkGuriga Albaabkiisa hore Lagu Xiray Miino & Sababta Ka Dambeysa..