Barakacayaal Qax ka ah Dagaal Beeleed Ka Dhacay Degaano Hoos Yimaada Hirshabelle oo soo Gaaray Mogadishu..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Barakacayaal Qax ka ah Dagaal Beeleed Ka Dhacay Degaano Hoos Yimaada Hirshabelle oo soo Gaaray Magaalada Mogadishu, kuwaasoo ka soo ka soo barakacay Hantidoodii si ay badbaado uga raadsadaan xeryaha qaxootiga ee duleedka Muqdisho..

Wararka ayaa sheegaya in Hooyo Saciido Adan Maxamed iyo 6-Caruur ah oo ay dhashay ayaa ka soo qaxay Degaankii ay ku nooleyd oo lagu magacaabo Iji oo ku dhow Degmada Mahaday ee Gobolka Shabeeleda dhexe, iyadoo guryihii degaankaasi ku yaalay qaarkood dab la qabad siiyay.

Hooyadaan ayaa sheegtay in muddo labo maalmood ah ay ku soo lugeeyeen dhulka howdka ah, maadaama uusan jirin wax gaadiid ah, markii ay gaareen Degaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa Dadka Degaanka waxa ay siiyeen lacag dhan 50,000 oo shilinka Soomaaliga ah si ay ugu raacdo Gaadiid dadweyne oo Muqdisho u socda.

Inta badan Qoysaska Tuulada Iji waa beeraley, Tuuladan ayaa u dhexeysa Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe. Qoyska Saciido waxay ku noolaayeen beertooda hal hektar ah iyo dukaan yar, hantidoodii waa la gubay, Waxay ku kharash gareeyeen $800 inay iibsadaan abuur waxayna isku diyaarinayeen inay bilaabaan beerista.

323010cookie-checkBarakacayaal Qax ka ah Dagaal Beeleed Ka Dhacay Degaano Hoos Yimaada Hirshabelle oo soo Gaaray Mogadishu..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *