Turkiga waxaa ka go’an isu keenidda dhinacyada isku khilaafsan Doorashooyinka Somalia

Somalia news

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mr.Cavusoglu oo Wareysi dhinacyo badan uu uga hadlay siiyay Wakaaladda Wararka Dalkaas ee Anadolu Agency ayaa ka hadlay Arrimaha Somalia, Masar, Afgaanistaan, Ruushka, Suuriya, Qadar & Dalal kale…

Qaybtaan uu uga hadlay Soomaaliya waxa uu ku dul istaagay muranka hareeray qabsoomidda Doorashooyinka & khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya walaalaha Soomaaliyeed oo daneynaya in ay dhacdo is doorasho balse marinka loo marayo isku fahmi la’.

Cavusoglu waxa uu sheegay in Turkiga uu taageerayo Somalia si gaar ah xal weliba oo laga gaari karo muranka hareerayay in la qabto Doorashooyinka lagu heshiiyay 17-kii September 2020 oo heerar kala duwan loosoo maray.

“Waa muhiim in xal ay wadajir u gaaraan walaalaha Soomaaliyeed si heshiis looga gaaro arrimaha Doorashooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan, waana tan aan rajeyneyno in ay dhacdo” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.

Mevlut Cavusoglu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegay Dowladdiisa ay diyaar u tahay isu keenidda dhinacyada is khilaafsan si xal ay uga gaaraan is marin-waagooda daba-dheeraaday sida ugu fudud.

101180cookie-checkTurkiga waxaa ka go’an isu keenidda dhinacyada isku khilaafsan Doorashooyinka Somalia