Degaanada Dalka Oo Tirada Weerarka Ku Saleysan Kufsiga Oo Korortay Sanadihii ugu Dambeeyay

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa muujinaaya in Dalka Somalia ay sanadihii ugu dambeeyay ay aad u kordheen Weerarada ku saleysan Jinsiga kuna baahay Degaanada Dalka, iyadoo dhibaatooyinka loo geysto Haweenka iyo Gabdhaha Barakacayaasha ah…

Warbixintaan ayaa la sheegay iney soo diyaariyeen iskana kaashadeen Shaqaalaha Qaramada Nidoobsy iyo kuwa Sanafalka ayaa sheegay in Haweenka iyo Gabdhaha ku jira xeryaha barakacayaasha ay la kulmaan tacadiyo ku saleysan jinsiga iyo kufsiga xilli ay dalka ka jiraan abaaro soo noq noqday.

Qoraalka ayaa lagu xusay in falalka Kufsiga Gabdhaha jirkooda iyo rabshadaha saaxiibka dhow (IPV) iyo Dilka ayaa ah noocyada ugu badan ee tacadiyada ay haweenka iyo gabdhaha lagula kaco bulshooyinka barakacayaasha ah, marka loo eego xogta ay soo aruurisay Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay, ama UNFPA.

Wareysi ay siisay Laanta Afka Somaliga ee VOA, ayeey Wakiilka UNFPA ee Dalka Niyi Ojuolape ku sheegtay in xogta la aruuriyay 2021 ay muujineyso in 52% xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee la soo gudbiyay, ama GBV, dhacdooyinka ay ka yimadaan jirdil, 11% ay sabab u tahay kufsiga, boqolkiiba 10% noocyada kale xadgudubka galmada.

Saraakiisha UNFPA ayaa laga soo xigtay in weerarada GBV ay ka sii dareen 2022 iyo inta lagu guda jiro rubuci hore ee 2023, 73% shilalka GBV ee la diiwaan galiyay 3-dii bilood ee ugu dambeeysay ee 2022 waxaa soo sheegay falal kufsi oo lagula kacay barakacayaal, halka 19% waa dad ka soo badbaadey bulshooyinka martida loo ahaa, iyo 3% qaxoonti, gaar ahaan ka yimid Ethiopia, sida uu sheegay Bahsan Axmed Siciid, oo ah kaaliyaha wakiilka UNFPA iyo Madaxa Xafiiska is-maamulka Puntland.

255220cookie-checkDegaanada Dalka Oo Tirada Weerarka Ku Saleysan Kufsiga Oo Korortay Sanadihii ugu Dambeeyay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com