Kulan Ay Wada Yeesheen Dowladda Federaalka & Wakiilo AU-da Ka Socda

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan hordhaca ah dood adagna hareysay oo dhex maray Wakiilo ka Socda Golaha Nabada & Amaanka ee AU-da iyo Dowladda Federaalka ayaa ka dhacay Magaalada Mogadishu, iyadoo la isku mari waayay Ajandaha Shirka…

Qoraal ay soo saareen Saraakiisha Wasaarada Gaashandhigga Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in la isku fahmi waayay Qodobada Ajandaha u noqonaaya Kulan qorsheysnaa taasoo horseeday in lagu kala tago.

Kulankaasi ayaa waxaa shir gudoomiyaayay Wasiirka Gaashandhigga iyo Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka Ee Midiwga Africa Mrs.Fiona Lortan, iyadoo looga doodi lahaa turxaan bixinta Warbixintii iyo go’aankii ay AU/PSC u gudbiyeen Golaha Amaanka ee la xiriira sii joogotaanka Ciidamada Amisom ee Somalia.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Ergada AU-da ay ku adkeysteen nuxurka Warbixinta Ee loo gudbiyay Golaha Amaanka UN-ka 07-10-2021, kaasoo ku talinaayay in Ciidamo isku dhaf ah (AU/da iyo UN-ka ay ka wada howlgalaan Somalia 5-sano Ee soo socota, kuwaasoo noqonaaya Nabad dhaliyayaal.

145620cookie-checkKulan Ay Wada Yeesheen Dowladda Federaalka & Wakiilo AU-da Ka Socda