Tirada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u Tahriibaysa Dalka Maraykanka oo korortay

U.S. World

Warbixin hordhac ah ayaa muujinaaya iney aad u kordheen Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u tahriibaaya Dalka Mareykanka, iyadoo xarunta laga hago Tahriibka ay noqotay Magaalada Nairobi, halka la xaqiijiyay Xafiisyo ku howlan Tahriibka ay ka furan yihiin magaalada Mogadishu..

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Dhalinyarada ayaa la sii marsiiya Dalalka Laatiin America ka hor inta aanay gaarin xuduudda Mexico oo aysan u tallaabin Mareykanka, marka ay tagaan Dalka Mexico waxa ay ka boodaan gidaarka xuduudda ah oo ay ku sugan yihiin Cidamada gaarka ah ee ilaalada Soohdinta Mareykanka uu la wadaago Dalkaasi ee loogu tala galay ka hortagga soogalootiga.

Dhalinyaradaan ayaa laga qaadaa isku celcelis 8.000-10.000 US$, iyadoo Dhalinyaradaan qaarkood ayaa ku nagaada Mareykanka halka qaar kale ay u gudbaan dhanka Dalka Canada oo xuduud la leh dalka USA, iyaga oo ka gudbaya Dhul cidlo ah oo baraf badan uu ka da’ay iyadoo ay suuragal tahay in dad qaar ay ku xannuunsadaan.

253070cookie-checkTirada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u Tahriibaysa Dalka Maraykanka oo korortay