Villa Somalia Oo Amartay Iney Dib Loo Eego Heshiisyadii Shirkadda Soma-Oil

Somalia news

Warbixino la soo gaarsiyay Diinah.com news ayaa sheegaya in Villa Somalia ay ku amartay Wasaaradda Macdanta iney baaris iyo dib u eegis ku sameyso Heshiisyadii ay horey u ashay Xukuumadii Mr.Khayre uu Hogaaminayaay, waxeyna si hoose u sheegeen iney ka welwelsan yihiin sharcinimada heshiisyadii ay la gashay shirkaddii Soma Oil la oran jiray oo uu Mr.Kheyre ku lahaa Saami….

Dhawaan waxaa soo shaac-baxday in Shirkadda Soma Oil & Gas yeelatay magaca Coastline Exploration, Sida ku xusan bogga Internetka ay shirkaddu ku leedahay waxaa Coastline Exploration la asaasay sanadkii 2018kii, shan sano kadib markii heshiisku dhex maray Soma Oil iyo Dowladda Federaalka, Ma cade sida ay Shirkadda cusub ula wareegeen Danaha Ganacsi ee Shirkadii Soma-oil, lamana yaqaano iney tahay shirkad iibsatay Saamiyadii shirkadii hore.

Xukuumada UK, ayaa la tilmaama iney kaalin ku lahayd ka saaristii Somalia ku tiirsanaanta hey’ado  siyaasadeed ku meelgaarka ahaa si shirkadaheedu ula tartamaan shirkadihii Somalia heshiisyada la galay ka hor 1991kii, waxay ka mid tahay dowladaha taageera Somalia, inkastoo dalku leeyahay dowlad aan dalka oo dhan ka talinin, lana jaanqaadi karin shirkado shidaal oo ay quwado waaweyni daba taagan yihiin.

Guddoomiyahii hore ee Xisbiga Muxaafidka Biritayn, Michael Howard, ayaa ka tirsanaa maamulka Soma Oil & Gas. Alexander Dzhaparidze hantidiisa waxaa lagu qiyaasay 1.2 bilyan oo US$.Welwel kale wuxuu la xiriiraa kartida Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada ku maarayn karaan ldhaqaalaha ka soo xeroon doonta iibka ceelasha shidaalka haddii Dowlada Federaalku aysan awood u lahayn baarista maamulka musuqmaasuq lagu soo eedeeyo.

58760cookie-checkVilla Somalia Oo Amartay Iney Dib Loo Eego Heshiisyadii Shirkadda Soma-Oil