Farmaajo & Sheekh Axmed Oo Kulan Ku Leh Villa Somalia

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga soo sheegaya kulan caawa ka socda xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia una dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waa shirkii labaad oo ay si fool ka fool ah isku soo hor fariistaan, tan iyo markii Axmed Madoobe Talaadadii yimid Muqdisho..

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijiyayiy in Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa shuruud ku xiray kulanka isaga, Saciid Deni iyo Farmaajo, isago dalbaday in DFS ciidamada ay geysay Gedo ka soo saarto, Jubbaland dib gacantooda loogu soo celiyo Maamulidda Gobolka Gedo, inkastoo dalabkaas Madaxweyne Farmaajo ku gacan seyray.Kulanka caawa ayaa haddii labada dhinac isku fahmaan wuxuu suura gelinayaa inuu qabsoomo shirka guud, balse haddii la isku fahmi waayo wuxuu xaalada ka dhigayaa qir iyo qir.

Wararka ayaa sheegaya in hadii kulakaani uu fashilmo, waxaa lagu wadaa iney xiisadani soo dhex galaan Wakiilada Beesha caalamka, si dhinacyadaan culeys loogu saaro iney la yimaadaan tanaasul iyo heshiis wada oggol ah.

58740cookie-checkFarmaajo & Sheekh Axmed Oo Kulan Ku Leh Villa Somalia