Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay Iney Dhaqaale Ku bixiso Kala Qeybinta Bulshada

Somalia news

Kadib boobkii Kursiga #Hop067 ee Farmaajo Fashilmay uu dhacay Eedeysane Yasin Farey, ayaa waxaa soo shaac baxaaya iney Villa Somalia Qorsheysay sidii ay u dhici laheyd Kuraasta #Hop141 &#Hop146 ay ku fadhiya an Wasiirka Amniga C/llahi M.& Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow..

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ay dhaqaale badan ku bixiyeen sidii loo kicin lahaa Jufooyinka saluugsan hanaan qeybsiga Kuraasta Xildhibaanada ee Beesha Harti Abgaal (Caroone Muuse), iyagoo ku qanciyay iney ka dhiidhiyaan sadbuursiga lagu hayo.

Murashax xildhibaan oo saxaafada la hadlay ayaa ku goodiyey in hadii aan lagu heshiin kuraasta xildhibaanimo qaarkood ay dagaal ka xigaan, Axmed Xasan Geedoow oo hore usoo noqday gudoomiyihii degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in Kuraasta Hop#141 iyo Hop#146 in midkood uu ubaahan yahay in lasiiyo, lana geeyo Degmada Cadale.

Waxay odayaasha kusoo dhaweeyey Tuulada Xaaji Cali murashax Geedoow ay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe uga digeen inuu doorashada labadaasi kursi qabto iyadoo heshiis lagu wada aheyn beelaha ay ka dhaxeyso, waxeyna ku hanjabeen iney dhiig u daadin doonaan.

156370cookie-checkVilla Somalia Oo Lagu Eedeeyay Iney Dhaqaale Ku bixiso Kala Qeybinta Bulshada