Waa Kuma Agaasimaha Cusub Ee Hey’adda NISA

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa qorshe Xil wareejineed oo uu diyaariyay Adeege Fahad Yasin Agaasimaha NISA, kaasoo ku Fashilmay barnaamijyadii Dhismaha Ciidamada NISA (Duufaan) oo loogu tala galay caburinta Shacbiga Soomaaliyeed, isla markaasna ka dambeeyay Mashruucyadii Fashilmay ee Dhalinyaradii Eritrea iyo Muddo Kordhinta…

Xuuraano laga helay Gudaha Hey’adda NISA ayaa u xaqiijiyay in Agaasimha cusub Ee Hey’adda NISA lagu wado in loo magacaabo Cabbas Yacquub Xasan, oo xiligaan madax ka ah Hogaanka Information-ka iyo Teknolajiyada isla markaasna ah gacan-yaraha Adeege Fahad Yasin, waayo aragnimada shaqana ay ay u yar tahay.

Yacquub ayaa la sheegay inuu waxbarashadiisa ku soo Qaatay Dalka Pakistan, waana arday aad ugu dhego nugul adeege Fahad, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyaradii uu sanadahii ugu dambeeyay ku biiray Hey’adda isla markaasna u Xil saaran Qeybta Dacaayadaha baraha Bulshada islamarkaana uu si toos ah u maamulaayay Taageerayaasha Jidbeysan Ee CBB.

Fahad Yasin ayaa lagu wadaa inuu kursiga Xildhibaanimo kula tartamo Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo isku beel ka soo wada jeedaan, isla markaasna shirko ku ah HornConnect, Shirkadaan ayaa maamusha dhowr Radiyo iyo TV oo ka howl gala Somalia waxeyna qandaraas ka geystaa UNSOM iyo Amisom, Fahad ayaa sidoo kale iska Bangi lagu magacaabo MyBank, wuxuuna doonayaa inuu ka soo muuqdo Baarlamaanka soo socda si uu uga baxsado tacadiyadii uu geystay.

125550cookie-checkWaa Kuma Agaasimaha Cusub Ee Hey’adda NISA