Ma Dhabaa in la Degmada Wadajir uu Dagaal ku Dhex maray Ciidamada Boliiska & kuwa Militeeriga Dowladda Federaalka..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal u dhaxeeya laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Dowlada kuwaasoo noocyada rasaasta isku weydaarsaday Degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir, iyadoo ay jiraan khasaare dhinacyadaan iyo Dadka Rayidka soo kala gaaray…

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkaan uu ka bilaawday sida la sheegay uu ka bilaawday kadib markii ay rasaas ay isweydaarsadeen Ciidamada Ilaalada Jenaraal Sheegow Axmed Cali iyo kuwa Taliyaha Boliiska Gobolka, waxaana ku dhintay mid ka mid Ciidamada B/Dableyda amaanka Magaalada u xil saaran, sidoo kale tiro badan ayaa labada dhinac Dhaawacyo soo kala gaareen ilaa haddana ma jiraan dadaalo lagu xalinaayo Gacan ka hadalkaan, iyadoo Boliiska iyo B/Dableyda oo ku hubeysan 20-Gadiidka Dagaalka ay ku fashilmeen iney gudaha u galaan hoyga Jananka, Waan waan ay wadeen Tiro Xildhibaano ah ku guuldareystay iney xaliyaan xiisadaan.

Wararka ayaa sheegaya in Macallin Mahdi uu bilihii u dambeeyay waday olole uu hub ka dhigis ku sameynaayo Beelaha qaarkood, iyadoo Janankaan uu kasoo jeedo Beesha Jareer weyne, ilaa hadda ay Labada Ciidan isku horfadhiyaan qeybo ka mid ah degmada Wadajir mana jiraan dadaalo lagu qaboojibaayo dagaalka.

Labada Sarkaal (Sheegow) iyo Macallinka ayaa horey uga wada tirsanaa Kooxda Argagixisada Shababka, inkastoo sanadihii ugu dambeeyay ay xilal iyo dalacsiin ku abaal mariyeen Maamulka hadda ka arrimiya Villa Somalia iyo kii ka horeeyay, dirirtaan ayaa joogto ka noqotay Caasimada iyadoo goobta uu dagaalka xalay ka qarxay ay ka barakaceen Dadkii Degenaa guryahooda.

272600cookie-checkMa Dhabaa in la Degmada Wadajir uu Dagaal ku Dhex maray Ciidamada Boliiska & kuwa Militeeriga Dowladda Federaalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com