Waa Kuma Horjooge Shakiib Oo Xildhibaanada Loo Xil Saaray

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Horjoogaha dilaaga ah ee ay qeylo dhaanta ka soo saareen 15-Xildhibaan Ee Warbaahinta shalay kula hadlay Magaalada Mogadishu, kuwaasoo Shaaca ka qaatay Magaca Horjoogaha laba kaarlaha ah….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Horjooge Maxamed Cabdulqaadir Qaameey ( Shakiib) uu ka soo jeedo Beesha Shiikhaal jufada looboge, wuxuu xiligaan ku magacaaban yahay Madaxa NISA ee Degmada Howlwadaag, isagoo ka mid ah ahaa Horjoogayaasha hoose Ee kooxda Shababka.

Horjooge Shakiib ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Qeybta Amniyaadka Kooxda Shababka, isagoo hogaamin jiray koox u Xil saaran dilalka qorsheysan ee laga fuliyo Magaalada Mogadishu, waxaana la sheegay in lagu qabtay isagoo dhaawac ah gudaha suuqa Bakaaraha, kadibna loo gudbiyay Xabsiga dhex si loo maxkamadeeyo.

Hadaba Maxaa Dhacay:-

Horjoogahaan ayaa la sheegay in adeege Fahad Yasin uu ka soo daayay Xabsiga dhexe Maxkamada La’aan waxaana laga howlgeliyay NISA-da Degmada Howlwadaag ee Gobolka Benadir, isagoo si toos ah u hoos taga Col.Axmed Aadan oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan Madaxa Ciidamada Ilaalada Golaha Shacbiga.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Horjooge Shakiib laga bedelay Xilkii uu ka hayay Degmada Howlwadaag xalay kadib shirkii jaraa’id Xildhibaanada, waxaana booskiisa lagu bedelay Mustaf Ufurow oo ka soo jeeda Degaanada Bay, Horjoogagaan ayaa horey uga tirsanaa Kooxda argagixisada Shababka.

105910cookie-checkWaa Kuma Horjooge Shakiib Oo Xildhibaanada Loo Xil Saaray