Israel Oo Duqeymo ka geysatay Magaalooyinka Gaza & Damascus Khasaarena Dhalisay..

World

24-kii saac ee u dambeysay Ciidamada Yuhuuda oo Weeraro Gantaalo ku qaaday Goob Raashinka lagu kariyo ee Magaalada Gaza ayeey ku dileen 4-Samafale oo u kala dhashay Dalalka Australia, Iraland Poland, UK iyo Wadihii Gaariga ay ku safraayeen una dhashay Palastine..

Samafalayaashaan ayaa u shaqeynaayay Hey’ad UN-ka ah oo quudisa Shacabka Ku barakacay gudaha Magaalada Gaza, Samafalayaashani waxay u shaqaynayeen Jikada Dhexe ee Adduunka si ay u quudiyaan dadka Gaza, Waxaa la rumeysan yahay inay yihiin shaqaalihii ugu horreeyay ee ajnabi ah oo lagu dilo Gaza tan iyo markii uu dagaalka bilowday.

Ku darsoo Diyaarad dagaal oo Nooceedu yahay F-35 ayaa duqeysay Qunsuliyada Dalka Iran ee Magaalada Damascus Syria waxeyna ku diledn 7-Sarkaal oo laba ja mid ah ay Sareeyayaal yihiin kuwaasoo ka tirsan Gaaska Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), iyadoo ay ka horsysay in Drone lagu duqeeyay Xarun Ciidamada Badda Israel ku leedahay Dekada Eilat Israel.

Dowladda Israel ayaa aqoonsigii kala noqotay Warbaahinta Al-Jazeera news kadib markii ay ku eedeysay iney ku howlan yihiin kicinta Dagaalka ka socda magaalada Gaza, iyadoo la og yahay in tiro badan oo Wariyayaal ah si bareer ah ay Ciidamada Israel, Xaalada Bariga dhexe ayaa u muyqata mid faraha ka sii baxeysa.

318630cookie-checkIsrael Oo Duqeymo ka geysatay Magaalooyinka Gaza & Damascus Khasaarena Dhalisay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com