Waa Kuma Musharaxa Loo Xiray Kursiga Hop#166

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga helayaa in kursiga summadiisu tahay HOP#166, uu Madaxweynaha Puntland u xiray Sarkaal lagu magacaabo Axmed Cabdi Xaashi (Axmed Taajir), oo horay uga tirsanaa Hey’adda NISA iyo Ciidamada Boliiska xiligii Dowladda Kacaanka…

Siciid Deni ayaa go’aansaday in Axmed Taajir lagu soo saaro kursiga, kadib markii uu isbarbar dhig badan oo ay sameeyeen kooxdiisa, iyo in kalsoonida lagu qabi karo ay ka wanaagsan tahay mida lagu qabo Wasiirka Ganacsiga Puntland (Cabdullaahi Cabdi Xersi), oo ah shaqsi aan siyaasadda Somalia iyo galaangalkeeda wax badan ku laheyn, wuxuuna ka mid Guddiga ololaha Doorashada Madaxweynaha ee dhowaan la magacaabi doono, Iyadoo la sheegay in Axmed Taajir uu yahay Shaqsi fudud Oo isbedel badan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada DFS Duraan Axmed Faarax, ayaa shalay ka soo dhoofay magaalada Garoowe oo uu ku sugnaa muddo 6 cisho ah, kadib markii loo sheegay in la boobay kursiga summadiisu tahay HOP#166, oo uu kamid ahaa musharixiintiisa.

163310cookie-checkWaa Kuma Musharaxa Loo Xiray Kursiga Hop#166