Waan-waan Laga Dhex Bilaabay Dhinacyada Ku Dagaalamaaya Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa waan-waan laga dhex bilaabay dhinacyadaan Ku Dagaalamay shalay ilaa xalay saqdii dhexe Magaalada Mogadishu, kadib markii dagaal faraha looga gudtay uu ka dhacay ilaa 3-aag oo Degmooyinka Caasimadda ah, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo Dhaawacyo leh…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Waan-waantaan ay timid Madaxtooyada si loo joojiyo xalay fiidkii dagaalada socda kadib markii culeys saar kaga yimid Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Odayaasha Dhaqanka Ee Taageersan Maamulka.Fashilmay Ee Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in Xubnaha loo xilsaaray Waan-waanta oo kala ah Wasiirka 1-aad Ee xilfaarsinta, Xildhibaano iyo Labada Madaxweyne Ee Hir-Shabelle iyo Galmudug inkastoo Hogaanka Midowga Musharixiinta ay shaki weyn ka qabaan Guddigaan loo soo xulay iney ka wakiil noqdaan Maamulka wakhtiga ka dhamaaday ilaa hadda wey ka gaabsadeen ka hadalka xaalada.

Ciidamada Maamulka Fashilmay ayaa laga qaaday intii badneyd goobihii lagu dagaalamay, waxaana degan meelihii lagu dagaalamay, inkastoo shaki iyo is-aaminid La’aan balaaran ay ka dhex jirto labada dhinac, mana cadda sida loo wajihi doono xaalada cakiran ee Magaalada Mogadishu, inkastoo Xoogaga Hubeysan ee Mucaaradka ay weli difaac kaga jiraan goobihii lagu dagaalamay.

114340cookie-checkWaan-waan Laga Dhex Bilaabay Dhinacyada Ku Dagaalamaaya Mogadishu