Falcelintii Bayaankii Go’aankii Golaha Amaanka ee Dagaalada Laascaanood..

Somalia news

Golaha Amaanka ee QM ayaa arbacadii tagtay soo saaray war-saxaafadeed ay ku miisaameen Colaada Degmada Laas caanood ee xiligaan ka taagan laga soo bilaabo dabayaaqadii Bishii Decembar 2022-kii, iyagoo hoosta ka xariiqay iney ka qaxeen guryadoodii 150.000 oo Qof…

Bayaankaan ayaa ugu baaqay in dhamaan dhinacyadaan iney si deg deg ah u gaaraan heshiis xabad joojin ah waxeyna ku dhiiri geliyeen Darafyadu iney iskugu yimaadaan Miiska wadahadalka, iyagoo soo dhaweeyay dadaalada ay garwadeen ka yihiin Odayaaaha Dhaqanka Konfurta, Dowladaha Ethiopia iyo Somalia ee xabad joojinta, Wada Qaran oo loo dhan yahay oo ay Soomaalidu garwadeen ka tahay.

Waxaana loogu baaqay Maamulka Somaliland iney si deg deg ah uga saaraan Xoogaga hubeysan ee dul fadhiya magaalada Laas caanood, iyadoo dhinacyadaan loogu baaqay iney xakameeyaan ayna ka fogaadaan falalka kicinta, hurinta colaadaha iyo hadalada xanafta leh ee lagu kala fogeynaayo Bulshada.

Maamulka Hargeysa ayaa ku adkeystay ineysan kala bixi doonin isla markaasna ay is-difaac ku jiraan, iyagoo walaac ka muujiyay in Golaha Amaanka UN-ka uu ku guuldareystay inuu qiro iney degaanka joogaan kooxo Argagixiso ah isla markaasna doonaya iney ku fidaan Gobolada ku dhow.

259980cookie-checkFalcelintii Bayaankii Go’aankii Golaha Amaanka ee Dagaalada Laascaanood..