Qarax Lagu Weeraray Xero Ciidamada Lagu Tababaro

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa qarax xalay ka dhacay Xerada Tababarka ADC ee Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, Xeradaan Oo Ku taal afaafka hore ee Degmada ayaa lagu tababaraa Ciidamada Dowladda…

Wararka ayaa sheegay in Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qaar ka mida xaafadaha Baardheere waxaana xigay rasaas ay fureen ilaalada xeradaasi, waxaana la sheegay in khasaare isugu jira 2-dhimasho ah iyo 5-Dhaawac ah ay soo gaareen Dhalinyarada tababarka ku jirtay, iyadoo la sheegay in miino loo dhigay gudaha xerada.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda ee degmadaasi ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in hal askari uu ku dhintay qaraxaasi, halka saddex kalena ay ku dhaawacantay.

“Abaarihii 10:00pm ayuu qaraxa ka dhacay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee ADC, miino bayna ahayd oo xerada lagu dhex aasay. Askari baa ku dhintay, saddex kale ayaa ku dhaawacantay, oo midi ay xaaladiisu garaab tahay, intaba waxay ahaayeen ciidamadii dhibowga ku jiray.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

3-dii bishii October ayay ahayd, markii mooto bajaaj miineysan lagu weeraray gaari uu la socday Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Baardheere, Jaamac Cali Cabdi (Hire), oo si xun ugu dhaawacmay qaraxaasi.

149910cookie-checkQarax Lagu Weeraray Xero Ciidamada Lagu Tababaro