Wada Xaajood U Socday Xisbiyada Mucaaradka Iyo Puntland Oo Fashilmay

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga helayaa Wadahadallo u socday  Maamulka Puntland iyo Murashixiinta mucaaradsan Villa Somalia ee  ku sugan Muqdisho, ayaa fashil ku dhammaday, kadib markii labada dhinac isku fahmi waayeen qodobo la xiriira Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Maamul….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Maamulka Puntland uu aaminsan in Doorashada wakhtigeeda lagu qabto, ayaa dhowaan diiday codsi uga yimid Murashixiinta Muqdisho, kuwaasoo ka dalbaday inuu beddelo xubno ka socda xafiiskiisa, islamarkaana ka tirsan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Murashixiinta oo ku dooday, in Guddiga Doorashooyinka laga daray Shaqaale dowladeed iyo Ciidamo, ayaa Madaxweyne Deni xasuusiyay, in haddii uu beddelo xubnaha ka socda Puntland, ay tallaabadaas Farmaajo ku cadaadin doonto, inuu beddelo xubnaha ka socda Xafiiskiisa ee ku jira Guddiga Doorashooyinka.

Ha yeeshee, Siciid Deni ayaa Murashixiinta u sheegay, in aysan jirin sabab loo beddelo xubnaha Puntland soo xulatay, maadaama ay ku yimaadeen wada-tashi loo dhanyahay, islamarkaana aan looga cabsi qabin in ay cid gaar ah u eexdaan.

Sidoo kale, wuxu xasuusiyay in haddii la beddelo Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, uu khalkhal ku imaan karo wakhtiga iyo Hannaanka lagu heshiiyay ee Doorashada, taasna aysan cidna dan ugu jirin.

Dhinaca kale, wada-hadallo dambe oo dhexmaray Deni iyo Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa mar kale fashil ku dhammaaday , kadib markii Mr.Deni ku adkaystay, in uusan beddeli doonin xubnaha Puntland ku matala Guddiga Doorashooyinka.

75130cookie-checkWada Xaajood U Socday Xisbiyada Mucaaradka Iyo Puntland Oo Fashilmay