Howlgalada Ciidamada Dowladda ee Lagu Sifeynaayo Kooxaha Argagixisada iyo Habacsanaan ka muuqata…

Somalia news

Xaalada Amaan ee maanta qalafsan ee uu Dalku ku jiro ayaa ah inuu socdo dagaal lagu qiyaasi karo jiritaanka Cadawga, kooxaha argagixisada ah ayaa waxay rabaan inay afduud ku heystaan qarankeena, iyagoo ku hanjabaya inay ku ridi doonaan god mugdi ah oo aan gun lahayn, Si looga guulaysto dagaal mindhicireedkaan, waxaa loo baahan yahay in midnimada Somalia…

Haddana, innagoo hore u soconna, waxaynu arkaynaa in aannu wajahayno cadow halis ah oo safkeenna ku jira sida (Saboteurs) kuwa la yaqaan iyo kuwa aan la aqoon, gudaha iyo dibadda dowladda si firfircoon u wiiqaya dadaallada aan ugu jirno ciribtirka kooxaha argagixisada, Shaqsiyaadkani maaha kuwo qoryo ku sita goobta dagaalka, balse ficilladooda ayaa si isku mid ah u burburinaya Waxay bixiyaan taageerada niyadda ee u oggolaanaysa argaggixisada inay koraan – saliidda mashiinka borobagaandada.

​Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Howlgalada lagu baacsanaayo Kooxaha argagixisada ee Gobolada Dalka uu gaaray heerkii ugu sareysa, inkastoo ay soo shaac baxaayaan Habacsanaan ka muuqata Istrateejiyada abaabulka Dagaalka iyo Degaano la qabsado hadana dib loo gurto sida Ceel Garas, Shababkana ku soo noqdeen, maxaase ka hortaagan iney 8-daan Degaan hal mar duulaan ku qaadaan mise Shacbiga lagu mashquulinaa oo wax qabad looga dhigaa!?.

Ciidamada Dawladda iyo kuwa Beelaha ayaa barqadii galay magaalada Ceelgaras oo qiyaastii 40-km u jirta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur, iyagoon wax iska caabin ah la kulmin, inkastoo 3-Qof ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen Howlgalkaan kadib markii Miino la kacday gaari ay la socdeen.

Ku Darsoo waxaa aad u soo kordhaaya isku dayga Horjoogayaasha Kooxaha Shababka iyo Daacishta Somalia ay ku doonaayaan iney Diyaarado kaga soo raacaan Garoomada Diyaaradaha ee Dalka, iyadoo todobaadkii ugu dambeeyay lagu kala qabtay Laba Horjooge oo doonaayay iney Diyaarado ka soo raacaan magaalooyinka Boosaaso iyo Baydhabo.

Habacsanaan Hogaanada Amaanka Dalka iyo Istraateejiyad xumida Hogaanka Siyaasada Dalka ayaa horseeday iney qarka u saarmasn Fashil Howlgalada, iyadoo Horjoogayaasha Kooxaha Argagixisada ay wadaan qorshayaal qurcan oo lagu hakinaayo ugu yaraan ama lagu fashilinaayo Howlgalka socda, Waxaana marqaati ma doonto ah inuu joogto noqday in Degaan la qabsado lana isku sawiro dibna looga baxo sida tan shalay ka dhacday degaanka Ceel Garas.

276800cookie-checkHowlgalada Ciidamada Dowladda ee Lagu Sifeynaayo Kooxaha Argagixisada iyo Habacsanaan ka muuqata…