Wadaad Fasiraad Ka Bixiyay Sababta Loogu Diiday Magaalada Ceergaabo

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Is-hortaag iyo xayiraado muddo kooban oo ay ku sameeyeen Xoogaga Amaanka Somaliland, Sheekh Maxamed Ismaaciil oo ka tirsan Culimada Soomaaliyeed oo dhowaan Safar ku tagay Magaalada Badhan oo ka tirsan Gobolka Sanaag..

Sheekh Maxamed oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sababta keentay in laga celiyo Magaalada Ceergaabo isaga iyo Wadaad kale oo la socday (Sheekh Maxamed) oo howlo Nabadeyn ahu tagay, wuxuuna si adag u sheegay inuusan siyaasi aheyn safarka uu ku tagay Magaalada Badhan ay aheyd mid Wacyi gelin iyo inuu booqdo Magaalada uu ka soo jeedo.

Ilo Wareedyo ayaa sheegay in Saraakiisha Sirdoonka ee Magaalada Hargeysa ay amaro dul dhigeen kuwa Ceergaabo si looga soo saaro Wadaadka Magaalada Isla markaasna la keeno Magaalada Hargeysa, inkastoo ay dafireen xayiraada iyo is-Hortaaga lagu Sameeyay Wadadada Howlaha nabadeynta u tagay Magaalooyinka Badhan iyo Ceergaabo.

Sheekha ayaa tilmaan u soo qaatay markii Abwaan Cabdi Qeys loo qabsaday inuu Safar ku tagay Magaalada Djibouti tix uu tiriyay “Ma xayirin wanaagoo, kama talin xumaanoo abid, Xabashina uma aan gelin”. Wuxuuna sheegay ineysan dembi aheyn in la tago magaalada Badhan.

135430cookie-checkWadaad Fasiraad Ka Bixiyay Sababta Loogu Diiday Magaalada Ceergaabo