Kadib muddo 90 maalmood ah oo lagu dhex jirey muran iyo jaahwareer ka taagan doorashada Dowladda Federaalka ee 2020/21, waxaa maalintii Khamiista ee 17 September lagu heshiiyey nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, heshiiskaas oo ay wada gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Dowlad goboleedyada, iyadoo uu soo baxaayo Shaki laga muujiyay in Baarlamaanku Diido….
Mr.Farmaajo oo heshiiska kadib xaflad loo qabtey ka hadley ayaa sheegay inuu u tanaasuley dalka dartiis, kana cabsadey in uu dalka kala go’o, halkaasna uga harey damaciisi ahaa inuu qabto doorasho qof iyo cod ah oo u baahneyd in muddo laba sano ah xilka loo kordhiyo, sida ka muuqatey hadalka Madaxweynaha ma wuxuu ka tanaasuley muddo kordhintii u muddada qorsheynaayay, mise qorshahaasi ayaa weli miiska u saaran, isagoo baaq u direy Baarlamaanka oo uu ka codsadey in ay heshiiskaas la qaataan.
Heshiiskan waxaa soo dhaweeyey inta badan shacabka Soomaaliyeed, Mucaaradka, siyaasiyiinta kale, waxaana loo arkey in uu yahay xal dalka looga ilaalin karo jaahwareer, inkastoo ay Wakiilada Beesha Caalamka ay ganafka ku dhufteen iney soo dhoweeyaan heshiiskaasi, waxeyna ku sababeeyeen ineysan qeyb ka aheyn Xisbiyada Mucaaradka.
Waxaa la isweydiinayaa sida Baarlamaanka ama labada aqal oo wada jiraa ay ka yeelayaan heshiiskan iyo ansixinta Wasiirka 1-aad.
Warsidaha Diinah.com news oo xiriir kala duwan la sameeyay qaar kamid ah Xildhibaanada xilku ka dhamaanayo ayey u sheegeen aragtiyo kala duwan oo ay ka qabaan waxa ka soo baxay shirkii Muqdisho.
Qaar kamid ah Xildhibaanadu waxay doonayaan in ay heshiiska meel mariyaan laakiin laga beddelo qodobada qaar waxaana kamid ah qodobada ay doonayaan in wax laga beddelo.
Goobaha doorashadu ka dhacayso in aan lagu soo koobin laba magaalo oo keliya ee la gaarsiiyo ilaa 4 gobood in doorashadu ka dhacdo, waana qodobka labaad ee heshiiska Muqdisho.
Qodobka labaad ee Xildhibaanada qaarkood sheegeen inuu u baahan yahay isbeddel lagu sameeyo ayaa ah:
Soo xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada, waxaana ay diidan yihiin in Ururada rayidka ah iyo Dowlad goboleedku ay beesha xildhibaanka leh u gacan dhaafaan waxaana ay sheegeen in loo madax baneeyo Beesha kursiga iska leh, laakiin Guddiga doorashadu ay ku sameeyaan ergooyinka xaqiijin adag.
Qaar kale oo ka mid ah Xildhibaanada ayaa u arka heshiiskan mid kaba hor imaanaya dastuurka iyo sharciga doorashooyinka gebigiisaba ay meesha ka saarayaan.
Waxaa la is weydiinayaa sida labada aragtiyood ee kala duwan Madaxweyne Farmaajo u maareyn doono, waxaa la aaminsan yahay inuu soo dhaweyn doono haddii isbeddel yar lagu sameeyo laakiin aan la diidin sharciga isla markaana Xildhibaanadu ay dejiyaan wakhtiga lagu shaqeynaayo, kaas oo keensan kara muddo kordhin farsamo oo aan ka badneyn 5 bilood, laakiin haddii Baarlamaanku gebi ahaanba diidan heshiiskan maxay tahay wadada u furan Madaxweyne Farmaajo.
Aqoonyahannada Sharciga ayaa qaba in Madaxweynuhu haddii heshiisku dhab ka ahaa, isla markaana u tanaasuley dalka dartiis wadada u furan ay tahay in uu dhaqan geliyo qodobka 90aad ee dastuurka xarafkiisa O, kaas oo dhigaya
“Madaxweynuhu wuxuu kala diri karaa Golaha Shacabka marka ay muddadiisa xilku dhammaato, si doorasho ay u aadaan”