Wakiilada B/Caalamka Oo Qorshe u Dejiyay Khilaafka Doorashada

Somalia news

Ilo xogagal ayaa Warsidaha Diinah.com u sheegay in Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan iyo Danjire Donald Yamamoto ay hormuud u noqon doonaan waji cusub oo wada hadalo, kadib markii ay ku daaleen is-jiid jiidka dhinacyadaan isku Khilaafka Doorashada, iyagoo sidoo kale telefoonka kula xiriiri doono madaxda dowlada federaalka ee mudo xileedkoodu dhamaaday….

Wakiilada beesha caalamku waxa ay durba bilaabeen dedaalo weji cusub leh kuwaasi oo la sheegay inay horseedi karaan in cadaadiska ku xoogeysto madaxda Soomaalida iyo in ay geedi-socodka doorashada ay la wareegaan maadaama madaxdu ku guuldaraysteen in ay xaliyaan khilaafka doorashada.

Qorshahaan cusub ayeey rajeynayaa Wakiilada beesha caalamku in isbedel ku keeno si xal looga gaaro khilaafka doorashada waxaa kamid ah ;.

– In Ciidamada Gobolka Gedo iyo in loo dhiso maamul cusub oo ka madax banaan dhinacyada isku hayo si cakirnaan looga gudbo.

-In Amaanka Doorashooyinka uu la wareego Wasiirka 1-aad Mr.Rooble (La-helow), inkastoo aan la ogeyn ilaa xad sida loo aamini karo, maxaa yeelay wuxuu ka mid yahay Guulwadayaasha cusub.

-In Dhamaan la bedelo Guddiyada Doorashada lana magacaabo Guddiyo cusub oo dhexdhexaad ah.

-Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Damaanad buuxa ka bixinaaya Heshiiskaan hadii ay wada oggolaadaan dhinacyadaan.

109080cookie-checkWakiilada B/Caalamka Oo Qorshe u Dejiyay Khilaafka Doorashada