Shirkada Beco Oo Hirgalineysa Mashruu Koronto

Somalia news

Shirkadda Beco oo lagu tilmaamo kuwa Korontada Bixiya Magaalada Muqdisho mida ugu weyn ayaa wada Mashruuc balaaran oo Korontada Qoraxda ku shaqeysa laga hirgelinaayo Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda…

Maamulka Shirkadda ayaa sheegay iney in muddo ah qorsheynaayeen sidii loo dhimi lahaa kharashaadka ku baxa Shidaalka iyo saliida ee lagu isticmaalo Korontada, waxeyna sheegeen in awooda Korontada Qoraxda ku shaqeysa kor loo qaadi doono sanadaha Soo socda, iyadoo la gaarsiin doono ilaa 100-MWp.

Xiligaan waxey Saraakiisha sheegeen in ka howlgeliyaan Masharuuca Korontada Qoraxda dhaliya kaasoo awoodiisu ay dhan tahay 8-MWp, iyagoo sheegay iney ku maalgeliyeen Dhaqaale dhan 49-million US$.

Shirkadda Korontada Beco ayaaa macaamiisheeda ku nool Caasimada Muqdisho iyo Degmooyinka Kismaayo, Balcad, Afgooye, Jowhar,Marka, Baraawe iyo degaanka Ceelasha Biyaha.

40450cookie-checkShirkada Beco Oo Hirgalineysa Mashruu Koronto