Markab Xamuul ah oo ay Saarnaayeen 15-Shaqaale Hindi ah oo lagu Afduubay meel u dhow Xeebaha Somalia..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ayeey ka soo saaray Hey’adda UKMTO kuna sheegtay in Markab kuwa Xamuulka ah oo ay saarnaayeen 15-Shaqaale Hindi ah ayaa lagu afduubay meel u dhow xerbta Degmada Eyl ee Maamulka Puntland Somalia, iyadoo Markab dagaal oo India leedahay uu ku raad joogo…

Markabkaan oo lagu magacaabo ‘MV LILA NORFOLK’ ayaa goor dambe oo xalay ah laga afduubtay meel u dhow xeebaha Somalia, iyadoo ay falkaasi ka dambeeyaan Burcad badeed degaanka (Puntland) ka soo jeeda, ilo Amaan ayaa sheegaya in Falkaan afduubka ah uu dhacay fiidnimadii Khamiistii, iyadoo Diyaaradaha Qumatiga u kac ee India ay ku dul wareegayaan.

Af-hayeen u hadlay Ciidamada ayaa sheegay “Ciidanka badda India waxaa ka go’an inay xaqiijiyaan badqabka maraakiibta ganacsiga ee gobolka oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibka, Burcada ayaa heysata tiro maraakiib ah, waxeyna dalbadeen Millions US& oo madax furasho ah, iyadoo haatan lagu soo waramayo inuu wadahadal u socdo burcad badeeda iyo Milkilayaasha mid k amid ah maraakiibta lagu haysto xeebaha Somalia.

Dhanka kale Hey’adda ayaa sheegtay in Markab ganacsi Lila Norfolk oo Calanka Liberia ku xiran ayaa SoS weydsitay, xili uu ku sugnaa meel u dhow Dalka Bahrain, falkaan ayaa ka dhacay meel xeebta Somalia u jirta 450-Nautical miles Degmada Eyl ee Gobolka Nugaa, waxaa markabka qabsaday 5-6 Dabley ah oo Somalia ka soo jeeda.

298600cookie-checkMarkab Xamuul ah oo ay Saarnaayeen 15-Shaqaale Hindi ah oo lagu Afduubay meel u dhow Xeebaha Somalia..