Wakiilada B/Caalamka Oo U Yeertay Gudoomiyayaasha Labada Aqal

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Wakiilada Beesha Caalamka ay u yeereen Gudoomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, kadib markii ay u kordheen tuhunka laga qabo in Xafiiska Madaxtooyada iyo Gudoonka Golaha Shacbiga ay qorsheeyeen Muddo Kordhin 2-sano ah in loo sameeyo Laamaha Qaranka…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Wakiilada Beesha Caalamka ay barwo u direen Labada Gudoomiye Ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana lagu wadaa in cad loogu wargeliyo in la joojiyo warar la xiriira muddo kordhinta oo lagu carqaladeynaayo Kulanka Teendhada Afisioni, iyadoo si loogu sheegi doono ineysan qeyb ka noqon karin muddo kordhin iyo dooraaho hal dhinac ah.

Xuuraan la helay ayaa sheegaya in Tiro Badan oo Xildhibaano ah oo taageersan muddo kordhinta heysta Baasaboorada Dalalka USA, Canada, UK iyo E.U.-da ayaa sidoo kale qeyb ka ah kooxaha carqaladeynta ku wada Kulanka Teendhada Afisioni, iyagoo Ajandayaal qarsoon hoosta ku wata, waxaana la sheegay in digiino loo diray, hadii ay ka waantoobi waayaan la shaacin doono Magacyadooda.

109210cookie-checkWakiilada B/Caalamka Oo U Yeertay Gudoomiyayaasha Labada Aqal