Xagee ayuu marayaa Howlgalka ka dhanka ah Argagixisada Shabaab ee Degaannada Hirshabeelle

Somalia news

Maalmahii lasoo dhaafay Maleeshiyo ka tirsan ururka Argagixisada Shababka ayaa waxay weerar kusoo qaadayeen degaanno u dhexeeya Degmooyinka Beledweyne iyo Buula-burte ee Gobolka Hiiraan, dhulkaasoo horay kooxda looga qabsaday…

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa dadka degaanka ayaa dhowr jeer kula dagaallamay degaannada Beerxaano iyo Tarajeento oo uu maro jidka laamiga ah, sidoo kalana ku dhow webiga Shabeelle, Kooxda waxay weli maamulaan dhul ballaaran oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Hiiraan. Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in bisha Maarso ee soo socota la billaabi doono howl-gal dib ugu qabsanayaan deegaannadaasi.

Haddaba, maxaa keenay in kooxda Argagixisada Shabaabka ay mar kale kusoo dhiirradaan iney weerar kusoo qaadaan, degaanada gacantooda ka baxay? muxuuse yahay qorshaha uga yaalla dowlad Goboleedka Hirshabeelle difaaca dhulkaasi?.

240630cookie-checkXagee ayuu marayaa Howlgalka ka dhanka ah Argagixisada Shabaab ee Degaannada Hirshabeelle
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com