41-Kuraasta Xildhibaanada Oo La Xawilay

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya in Ilaa 41-kuraasta Xildhibaanada ayaa is bedelo lagu sameeyay ama la Xawilay, iyadoo Xildhibaan kasta ee ku fadhiya kursiga wuxuu awood u yeeshay inuu geysto meesha uu aaminsan yahay inuu ku soo bixi karo ( Musuq kama Jiro Maamulka Fadhiidka ah)….

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Wareejinta Kuraasta waxaa ka mid ah 7-kursi oo laga soo wareejiyay Gobolka Hiiraan oo loo rartay Shabeellaha dhexe, gaar ahaan magaalada Jowhar.

Kursiga Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cawad oo nambar tirsigiisu yahay HOP#104 ayaa ah kan ugu rarista badan, sanadkii 2016 waxaa lagu doortay Muqdisho, waxaa lagu waday in lagu doorto Cadaado, balse waxaa u soo rartay arrimo amni darteed Muqdisho, kursigan waxay deegaan doorashadiisa tahay deegaanka Towfiiq oo ka tirsan Gobolka Mudug, waxaa haatan la geeyay Gobolka Galgaduud oo lagu soo dooranayo.

Sidoo kale Kuraasi badan ayaa laga raray Gobolka Jubada hoose iyadoo la geeyay Gobolka Gedo, kuwaasoo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 10-Xildhibaan, Waxaa ku xiga Gobolka Jubada Hoose.

45490cookie-check41-Kuraasta Xildhibaanada Oo La Xawilay