Wakiilada Beesha Caalamka Oo Kulan La Leh Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa shir qadka Zoom-ka u socdaa Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaa shirka ka maqan oo aan qeyb ka aheyn Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo galabta dib ugu laabtay Baydhabo…

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in laga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo xaalada uu dalka geli karo kaddib 8 February marka uu dhamaado muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa jira qorshe maalmaha soo socda la isugu keenayo Muqdisho Madaxda dowlad Goboleedyada, si shir ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka loogu qabto Dowlad Federaalka iyo Dowad Goboleedyada, si dalka looga saaro xilliga kala guurka.

Dhanka kale, Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Xibno ka tirsan Xildhibaano Baarlamaanka ayaa goordhaw sheegay in kulan ay la qaateen Gud. Murasal inuu ogolaaday qabashada Xilka Madaxweynaha si dalka loo bad baadiyo, maadaama xilka Madaxweynuhu uu ku eg yahay 12saqda dhexe Caawa.

Kulanka barito ee Baarlamaanka ayaa lafilayaa in Ajandihiisa labadalo lagana dhigo qorshan cusub.

#LaSoco#

92970cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Oo Kulan La Leh Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada