Hantidhowrka Eedo Culus u Jeediyay Safiirka & Howlwadeenada Safaarada Somalia ee Cumaan..

Somalia news

Gungaar Baariseed oo muddo ay wadeen Howlwadeenada Xafiiska Hantidhowrka guud ee Dowlada Federaalka ay uu ku sameeyey fatashaad xisaabeed Xafiisyada Safaaradda Somalia ku leedahay magaalada Masqat ee dalka Cummaan ayeey soo saareen, iyadoo Eedeo u jeediyay Danjiraha iyo Howlwadeenada Safaarada…

Warbixinta ayaa lagu xusay in Baarista xisaabaadka Hantida Qaranja lagu sameeyay xarunta safaarada Somalia ee dalka Cumaan ayaa lagu cadeeeyay iyo Danjiraha Somalia dalkaasi u joogay iyo Howlwadeeno kale ay ku kaceen musuqmaasuq, ku takrifal awoodeed iyo iibsasho hanti dowladeed, been abuur Dukumenti, matalaad xil Been abuur ah iyo qaar kale.

Baarista ayaa la sheegay in la sameeyay i tii u dhaxeysa 1-dii-01-2019 ilaa 31-gii-12-2023-kii, iyadoo warbixinta lagu xusay in la ogaaday iney ku lug yeesheen Mas’uuliyiin, Howlwadeeno iyo Shaqsiyaad oo heshiisyo sharci darro Danjiraha ku galay Magaca Dowladda Federaalka, talabaadaasi oo horseeday in la lunsado Hantidaasi ma guurtada ah oo Dowladda Federaalka leedahay.

320120cookie-checkHantidhowrka Eedo Culus u Jeediyay Safiirka & Howlwadeenada Safaarada Somalia ee Cumaan..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *